100 ruux oo ku geeriyootay dalka India

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen dab xoogan oo saaka ka kacay goob lagu cibaadeysto oo ku taalla dalka India.

Dabkaan ayaa mar qura hareeyay macbadkaasi oo ku yaalla magaalo xeebeedka Paravur ee gobolka Kerala, kadib markii xaruntaas ku dhacday dhimbil dab ah oo kasoo duushay bulaleyrka loo isticmaalayay dabaaldaga fantasyaha Diimeed ee halkaasi ka socday.
Qarax xoogan oo ka dhashay dabka ayaa aroornimadii hore ee saaka abaare 3-di Subaxnimo laga maqlay goobta macbadka ah oo ay ku sugnaayeen kumanaan ruux.

Dabka ayaa lagu soo waramay in uu si dhaqso ah ugu fiday dhismaha iyo agagaarkiisaba, iyadoo ay dad fara bandanna ku xayirmeen gudaha xaruntaasi.
Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa India ka socday fantasyo loogu dabaaldagayay ciidaha dadka heysta diinta Hinduga, hase ahaatee qaar ka mid ah dabaaldegyadaasi ayaa lagu qabtaa meelo aan fasax looga heysanin masuuliyiinta amaanka.
Mid ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Kerala oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press(AP) ayaa sheegay in dadka dhintay ay kor u dhaafayaan 90 qof.
Shibu Baby John oo ah Wasiirka shaqaalaha ee maamulka gobolka ay musiibadaan ka dhacday ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono isla markaana magdhow la siin doono dadka ay saameysay dhibaatada dhacday.


No comments:

Post a Comment