Fadeexad wayn oo ka dhacday Magaalada Muqdisho

Fadeexad wayn, ayaa gil gishay hay’addaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay soo shaac-baxday inay ku lug leeyihiin weerarkii madaafiicda loo adeegsaday, ee habeenkii Khamiista ka dhacay Caasimadda.
Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Gobolka Banaadir, ayaa waxay siyaabooyin kala duwan gacanta ugu soo dhigeen laba ka mid ah, afartii nin ee sida la sheegay ka dambeysay madaafiicdaasi.

Labadaasi nin, ayaa waxay ka mid noqdeen Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida, waxayna taasi weji gabax wayn ku noqotay Hay’adda Nabad Suggida, maadaama sida la tilmaamo ay ka mid tahay hay’adaha ugu muhiimsan, marka ay noqoto dhinaca nabadgelyada.
Mid ka mid ah ragga la qabtay, ayaa laga soo qabtay Isbitaalka Madiina, xilli uu ku dhaawacmay iska horimaad ay Ciidanka Booliska kula galeen wadada Maka Al Mukarama, markii lagu amray inay gaariga joojiyaan, balse ay rasaas ugala horyimaadeen. Iska horimaadku wuxuu yimid daqiiqado ka dib, markii ay madaafiicda ka tuureen agagaarka Dhismaha Xaaji Baasto, oo kaabiga ku haaya wadadaasi.
Soo qabashada ninka labaad waxay timid, ka dib markii macluumaad laga helay ninka hore, oo gacanta lagu soo dhigay isagoo isu ekeysiinaaya dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay madaafiicdaasi, laguna daaweynaayay Isbitaalkaasi Madiina.
Ka hor inta aan gacanta lagu soo dhigin labadaasi nin, ayaa waxay Ciidamada Booliska wadada Maka Al Mukarama ay ku qabteen gaari Caasi/Hoomey ahaa, oo ay la socdeen raggaasi iyo qori hoobiye ah.


Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, C/kaamil Macalin Shukri oo Jimcihii la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi dilal kala duwan looga gaystay Magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida loo xiray falkaasi, waxaana xilligan su’aalo lagu weydiinayaa xarumaha ay laamaha amnigu ku leeyihiin Caasimadda.
Dhanka kale waxaa marar kala duwan la arkay rag ku labisan dareyska Ciidamada Dowladda, oo madaafiic ka tuuraaya qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasina loo tuuraayay dhinaca Madaxtooyada.
Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay fududeeyaan weerarada, uu Ururka Al Shabaab ka gaysto Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan inay kordhayaan weerarada Al Shabaab.
Magaalada Muqdisho waxaa ku yaala kontoroolo fara-badan, oo masaafooyin gaaban ka dibna lagu baaro gaadiidka, waxayse dad badani is weydiinayaan sida ay Shabaabku ugu suurta-gasho inay Caasimadda ka gaystaan weeraro loo adeegsado gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Dadka qaarkiise waxay cudurdaar u yeellaan Ciidamada Dowladda, oo aan si joogta ihi u helin mushaaraadkooda, taasoo ay ugu wacan tahay bay leeyihiin in qaarkood, ay weerarada u fududeeyaan Shabaabka.

No comments:

Post a Comment