Madaxda Somalida oo maanta ka shiraya Doorashada sanadkan dhaceysa

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah kaga furmo Shir ay wada yeelanayaan Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda maamul Goboledyada dalka ka jira.


Shirkaan oo ah kii ugu dambeeyay ee ku aadan arimaha Hiigsiga 2016-ka oo ay yeeshaan Madaxda dalka, ayaa lagu wadaa in lagu go’aamiyo arimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkan gudihiisa.
Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaa suuragal ah in Shirka uu socdo muddo labo cisho ilaa saddex cisho ah oo madaxda ay isla gorfeyn doonaan qaabka doorashada u dhaceyso iyo sida Xildhibaanada cusub loo soo xuli doono.

Shirkan oo Saxaafadda aanan looga yeerin ayaa noqon doono mid gaar ah oo Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada kaliya ay isku arkaan, si ay isugula meel dhigaan arimaha ku xeeran Doorashada iyo qaabka ay u dhaceyso.
Arimaha ugu waaweyn ee Shirkaan lagu gorfeyn doono ayaa ah qaabka loo soo xulayo Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, waxaana suuragal ah in caqabado ay ka yimaadaan, maadaama Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada mid waliba uu wato aragti gaar ah.
Puntland ayaa dhawaan laga dhaadhiciyay inay aqbasho in Doorashada dalka ka dhaceysa lagu saleeyo nidaamka 4.5, inkastoo ay jireen Heshiisyo Puntland lala galay oo arintaasi looga saxiixay.
Sababta Saxaafadda looga diiday Shirkaan ayaa ah inaan wax badan laga ogaanin waxyaabaha madaxda ay ka wada hadlayaan iyo caqabadaha suurtagalka ay tahay in Shirka uu ka dhasho.

No comments:

Post a Comment