Dadka reer Gaalkacyo oo ku baaqay in la joojiyo shaqada Monitoring Group ka wado Somaliya (SAWIRRO)

Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu qabtay kulan ka dhan ah Kooxda la socodka cunaqabateenta hubka Somaliya iyo Eritrea (Monitoring Group), oo Qaramada Midoobe uga turxaan bixisa arrimaha hubka iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira labadaasi dal.
Kulankan oo Sabtidii ka qabsoomay Hotelka Embassy, ayaa waxaa ka qaybgalay qaybaha bulshada ee ku dhaqan Magaaladaasi, waxaana si kulul loogu cambaareeyay shaqada ay Monitoring Group ka wado dalka.

Ka qaybgalayaasha kulankaasi waxay hay’adan ku eedeeyeen inay markasta warar been abuur ihi ka sameyso Madaxda Dowladda, Siyaasiyiinta iyo shakhsiyaad kale, oo ganacsato ay ka mid yihiin.
Waxay si isu midda u sheegeen in lagama maarmaan ay tahay in shaqada laga joojiyo Monitoring Group, maadaama ay ku eedeeyeen inay caqabad ku tahay horumarka iyo nabadda dalka.



Xubno ka mid ah dadkii kulankaasi ka qaybgalay, ayaa waxay Madaxda Somalidu ugu baaqeen in lagu baraarugo xagaldaacinta Monitoring Group, ee danaha dalka iyo dadka Somaliyeed.
Kulankan wuxuu daba socdaa kulamo kale oo horay kaga dhacay Magaalooyinka Baledweyne, Muqdisho iyo Baydhabo, isla-markaana looga soo horjeeday Monitoring Group.
Hay’adan, ayaa sanadihii la soo dhaafay soo saartay warbixino is burinaaya, isla-markaana aan lagu salayn xaqiiqda dhabta ah ee dalka ka jirta, iyadoo warbixinadaasi si wayn loogu dhaliilay Madaxtooyada Somaliya, siyaasiyiin, ganacsato iyo shakhsiyaad kale.
Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Somaliyeed, ayaa marar kala duwan Warbaahinta ka sheegay Monitoring Group inay halis ku tahay jiritaanka dalka Somaliya.





No comments:

Post a Comment