Taliska Nabad Suggida Galmudug oo shaaciyay inay qabteen Ajaanib Shabaab ka tirsan

Ciidamada Nabad Suggida Maamulka Galmudug, ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen Ajaanib ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanaayay deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Mudug oo ciidamada Galmudug muddooyinkaan ay ku baacsanayeen Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda NISA ee qaybta Deegaanada Galmudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay ciidamada inay gacanta ku soo dhigeen Saddex Ruux oo Ajaanib ah oo iminka ay gacanta ku hayaan.
Wuxuu sheegay labo ka mid ah Ajaanibta inay u dhasheen dalka Kenya, halka ruux kale ee uu u dhashay dalka Tanzania, sida ay shaaciyeen Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida qaybta Galmudug.

Howlgalku wali dhulka Xeebaha ayuu ka socdaa, 12 Maxaabiis cusub ah ayaan soo qabanay waxaa ka mid ah sadex nin oo ajaanib ah labo waa Kenyan Midna Waa Tanzanian, baaris ayaa ku socota hadda, waxaana ciidamadu baacsanayaan horjoogayaashii watay dhalinyarada yar yar ee maskaxda ay ka rogeen kooxaha argagixisada”Ayuu Yire Saadaq Cumar oo la hadlay Wakaalada Wararka Sonna.
Mid ka mid ah Ajaanibta la soo qabtay oo magaciisa ku sheegay Abdullaahi Rabuu Mahamed, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay iyaga oo gaaraya 12 ruux, lagana soo qabtay deegaanka Gal Halool ee Bariga Mudug.
“Magaceygu waa Abdalla Rabuu Mahamed Waxaan u dhashay Tanzania, waxaan ka mid ahay Al-shabab waxaana nasoo qabtay angoo 12 ruux ah ciidamada”ayuu Yiri Abdalla Rabuu.
Waa Ajaanibtii ugu horeysay oo ciidamada Galmudug ay gacanta ku dhigaan tan iyo markii Gobolka Mudug uu ka biloowday dagaalka u dhaxeeya Shabaab iyo ciidanka Galmudug.

No comments:

Post a Comment