Dagaal xalay ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa

Wararka laga helaayo Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, ayaa sheegaya in Xoogag hubaysan oo Shabaab ka tirsan xalay ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Xaafadaasi.
Saldhiga ciidamada Dowladda ee la weeraray ayaa ku yaallo halka loo yaqaan Biyo dageenka Xaafada Suuqa Xoolaha, halkaasi oo ciidamada Booliska fariisin ay ku leeyihiin.



Dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid culus oo ciidamada lagu gaaday, iyadoo la soo sheegayo inuu jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaasi.

Qoriga loo yaqaan Sabanka ee garabka laga rido ayuu ku biloowday weerarka, iyadoo ciidanka Dowladda dhankooda ay ku jawaabayeen rasaas culus oo fariisimadooda ay ka ridayeen.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Xaafada Suuqa Xoolaha weli kama aysan hadlin weerarkaan hubaysan ee Ciidamada Shabaab xalay ku qaadeen Xaafada Suuqa Xoolaha.
Al Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah waxa ay ku qaadaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee Difaacyada ku leh Duleedyada Magaalada Muqdisho.

No comments:

Post a Comment