DEG DEG: Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo la afduubtay

Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo ka duushay magaalada Alexandaria kuna sii jeeday magaalada Qaahira ayaa la afduubtay.
Warkaan soo soo baxay goor dhaw, ayaa Sida ay qortay BBC, waxaa saarnaa Diyaarada 80 ruux oo Rakaab ah.
Ilaa hada lama garanaayo cida afduubatay Diyaaradan, balse waxaa la sheegay in Diyaarada laga dejiyay Garoon Diyaaradeed oo ku yaallo dalka Cyprus (Qubrus).




Waxaa socda Baaritaanka la xiriira helida macluumaad ku saabsan 
cida afduubatay Diyaaradan iyo sababta ka dambeysa in la afduubta Diyaarada.
Saraakiil ka tirsan Dowladda 
Masar, ayaa sheegay inay ku guda jiraan baaritaanka arintaan la xiriira, goor dhawna ay shaacin doonaan cida afduubatay Diyaarada.
Shirkada Diyaaradaha Egypta Air, ayaa barteeda Twitterka ku soo daabacday in Diyaarada nooceeda uu yahay A320 la afduubtay.
Ma aysan bixin Shirkada macluumaad intaasi ka badan oo qeexaya afduubka Diyaarada loo geystay.
La soco wixii ku soo kordha

No comments:

Post a Comment