Gaari ay ka buuxaan Walxaha Qarxa iyo Hub oo ciidamada Nabad Suggida ay ku qabteen Magaalada Muqdisho

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed ayaa gacanta ku dhigay Gaari noociisa uu yahay kaarib oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, gaarigaasi oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo Umadda Somaliyed.
Gaarigan waxaa xalay saqdii dhexe lagu qabtay Afaafka hore ee Madaxtooyadii hore ee C/qaasim Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafada Taleex, halkaasi oo gaariga ay dhigteen raggii watay.
Ciidamada Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed oo helay macluumaadka gaarigan ayaa xalay oo dhan ku daba jiray, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Baabuurkan.

Gaariga oo noociisa uu yahay Kaarib, waxaa ku jiray waxyaabo loogu talo galay marka uu qarxo gaariga inay laayaan dadka, waxaana ka mid ah waxyaabahaasi, Boolal Fara badan, Haamaha Suujimada leh, Biro dhaadheer iyo Bambooyin, waxaana raggii watay ay doonayeen marka ay qarxiyaan gaariga in waxyaabahaasi oo dhan ay noqdaan kuwa laaya dadka.
Ciidamada Nabad Suggida ayaa gacanta ku dhigay gaarigaasi oo ka fur furay waxyaabaha qarxa ee saarnaa, kadibna ciidanka waxa ay soo qabteen 11 ruux oo la tuhmaayo inay raad ku leeyihiin falka la doonaayay in lagu dhibaateeyo Umadda Somaliyed.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA, ayaa sheegay in bartilmaameedka gaariga uu ahaa in lagu laayo dadka shacabka ah ee aroortii isugu yimaado goobaha bulshada ay ku qaxweyso ee Magaalada Muqdisho si dadka halkaasi loogu laayo.
Gaariga la qabtay sidoo kale waxaa laga dhex helay Saddex qori oo nooca Ak47 ah oo qorshaha uu ahaa marka la qarxiyo ka dib gaariga in rag hubaysan ay rasaas ku laayaan dadka.
Goobaha Baarista ee ciidamada Nabad Suggida ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa la geeyay gaarigaasi oo ciidamada ay ku hayaan, iyadoo ciidanka NISA ay sidoo kale tageen garaashyo ku yaallo Magaalada Muqdisho oo la sheegay inuu galay raad ku aadan in gaarigan lagu soo diyaariyay.
Howlgalka lagu qabtay gaarigaan waxyaabaha Qarxa ay ka buuxaan ayaa waxaa hogaaminaayay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed C/raxmaan Tuur yare oo tagay xalay goobtii gaarigan ciidamada ay ku qabteen.
Tani ayaa ah guul u soo hooyatay shacabka Somaliyed oo bixiyay macluumaadka la xiriira gaarigan, maadaama la badbaadiyay nolosha dad badan oo ay suuragal ahaan laheyd inay ku dhintaan qaraxyada gaarigaasi loo qorsheeyay.

No comments:

Post a Comment