Dalka Soomaaliya waxa leh Hal Qowmiyad oo la yirahdo

Markii ay bur burtey Dowladdii Soomaaliyeed ee Madaxweyne

 Maxamed Siyaad Barre Sanadkii 1991 bishii January waxa

 Soomaaliya ka dhacay dagaal Qabiil oo ku saabsana Xukun doon

 taaso keentay in Qabiil walba uu urur ama jabhad siyaasadeed

 yeesho, Haddii aan wax ka sheego Qaar ka mid ah Jabhaddii Dalka

 soo maray 1991 – waxaa ka mid ah sidaan soo scota;
Magacyada Jabhadda Siyaasadeed ee qabiilka ku shisnaa

1- The Somali Salvation Democratic Front (SSDF)
2- The Somali National Movement (SNM)
3- The United Somali Congress (USC)
4- The Somali National Front (SNF)
5- The Somali Democratic Movement (SDM)
6- The Southern Somali National Movement (SSNM)
7- The United Somali Front (USF)
8- The Somali Democratic Alliance (SDA)
9- The United Somali Party (USP)
10-The Somali National Democratic Union (SNDU)
11-The Somali African Muki Organization (SAMO)
12-The Somali National Union (SNU)
Jabhadda aan kor ku soo sheegay waxay ku heshiin waayeen in ay

 Soomaaliya u dhisan: DOWLAD MIDNIMO QARAN, taasoo

 markii danbe keentay in ay Soomaaliya noqotey Dal aan Dowlad laheyn.
Maanta oo aan joogno 2016 waxa Dalka Soomaaliya ka jiro

 Dowlad aan awood laheyn iyo Dowlad Goboleed fara badan oo

 Qaab Qabiil ku dhisin oo mid walba ay sameeystey Madaxweyne

 iyo Baarlamaan u gaar ah waxayna la mid yihiin Jabhadda aan kor

 ku soo xusey ee 1991, waxana laga yaaba in ay soo baxaan Dowlad Goboleedyo kale oo Qaab Qabiil ku dhisan.

Haddii aan wax ka sheego Magacyada Dowlad Goboleed
 yada Dalka Soomaaliya ka jira waxa ka mid ah: Somaliland,
 Puntland, Galmudug, Qaatumo , Koonfur Galbeed,
 Jubbaland, iyo kuwo kale oo soo socda oo ah Dowlad
 Goboleed cusub taaso marka danbe keeni doonta in Degmo
 walba ay tirahdo Dowlad Goboleed ayaan ahay waxaana lee 
yahay Madaxweyne iyo Baarlamaan.

Dalka Soomaaliya waxa leh Hal Qowmiyad oo la yirahdo
 SOOMAALI oo leh Hal diin , Hal luqad  iyo Hal Midab, ee fadlan Qaranimada iyo Qabiilka hala kala saaro.

No comments:

Post a Comment