Xulalka Somalia iyo Rwanda oo galabta 1-1 ku kala baxay, ciyaar ka dhacday Djibouti

Xulka Soomaaliya ayaa barbardhac ka helay dhigiisa Rwanda kulan qurux badan oo ka dhacay dalka Djabouti waxeyna ciyaarta kusoo dhamaatay 1-1 waqtigii loogu tala galay inkastoo wadarta guud ee kulamada labada ah ee ay labada xul isku noqdeen ay ku dhamaatay 3-1 oo ay Rwanda kusoo baxday.
Sona Isaie ayaa daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta hogaanka u dhiibay xulka Rwanda isagoo ka faa’iideeyay kubad dhex tuur ah oo la siisay, si qurux badana ugu gooyay goolhaye Mustaf tasoo u sahashay inuu si fudud kubada shabaqa u taabsiiyo.
Xulka Rwanda ayaa aad uga firfircoonaa dhigiisa soomaaliya qeybta hore ciyaarta iyadoo dhowr jeer oo kale ay u dhawaadeen iney gool labaad dhaliyaan balse uma suuragalin.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1, oo ay ku hogaaminayaan xulka Rwanda oo marti ku ahaa Djabouti, balse markii la isku soo laabtay Soomaalida ayaa waji cusub la yimid kuwaas oo fursad abuur bilaabay.














Ma Suuragalin iney gool helaan ilaa daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta markaas oo gool barbardhac ah uu Dhaliyay Cabaas xidiga la yiraahdo ee ka tirsan kooxda Dekedda ee ka tirsan kooxaha heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya.
Dhowr jeer ayey Soomaalid au dhawaadeen iney helaan goolal kale iyagoo fursado qurux badan abuuray markii ay heleen goolka kadib balse uma suuragalin.
Ugu dambeyntiina natiijada ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-1, balse wadar ahaan labadii lug ee la ciyaaray waxey isku cel-celis noqotay 3-1 oo ay guusha ku raacday Rwanda.
Natiijadaan ayaa ka dhigeysa in xulka Rwanda ay ugu gudbayaan wareega xiga ee isreeb-reebka iyagoo ku beegmaya xulka Uganda waxaana kii soo baxa labadaas dal meel usii fadhiya xulka Egypt.
Xulka Soomaaliya boorsooyinkooda wey soo xir-xiranayaan waxeyna dib ugu soo laaban doonaan dalka madama ay ka hareen tartanka.

No comments:

Post a Comment