Axmed Madoobe oo shaaciyay caqabada ka haysata soo magacaabista Golaha Wasiirada Jubbaland



Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay caqabada ragaadisay soo magacaabista Golaha Wasiirada Maamulkaasi, xilli Madaxweynaha dhowr mar uu ka dalbaday Golaha Baarlamaanka in la siiyo Waqti oo Gole Wasiir ku soo magacaabo.
Axmed Madoobe, ayaa sheegay sababta keentay ragaadista magacaabista Golaha Wasiirada inay tahay iyadoo Maamulka Jubbaland uu ka bilaabay meel hoose oo ah inaysan waxba isugu aadisneyd, sidoo kalena aysan jirin dib u heshiisiin laga sameeyay Gobolada Jubbooyinka.

“Inta aad fadhideen Maamulkii dowladdana waa uu fadhiyay, waa la iga sugayay Golaha Wasiiradda muddo aad u dheer oo aan u maleenayo in saddex jeer aan ka codsaday Baarlamaanka muddo kordhin, waxa sababayey idinkana idinku hayay waxa ay ahayd waxaa billowgii ugu horreeyay aan ku billownay dowladda aan dhiseeno iyo gobalkan waxa aan ka rabo ay tahay dib u heshiisiin, Ummad aan heshiis ahayn oo aan la isku keenin, aan mideesneen, aan isku ujeedo ahayn waay adagtay in ay wax isku darsato oo geedi isla dhaqaajiyo oo meel gaarto.”ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ka codsaday inay booqdaan deeganada laga soo xulay Xildhibaaanada oo ay la soo kulmaan Bulshada deeganadaasi.
‘Waxaan Baarlamaanka u rajeenayaa guul fasax baad galeysaan, fasaxa aad galeysaan waxaan oran lahaa degmooyinkii aad mataleyseen maadama qaab degmo la isku soo xulay waa nin kii aadi karaa uu tagaa uu dadka soo booriyaa, kii aan tagi meesha la heesto waa in uu tagaa meesha uu gaaro, waa in wanaaga aad gudbino.”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in inta badan caqabadihii ka taagnaa soo magacaabista Golaha Wasiirada Jubbaland laga gudbiyay, dhawaana uu rajeynaayo Gole Wasiiro oo rag dhalinyaro ah ay u badan yihiin inuu soo dhiso.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ka sheegay Xaflada lagu soo xiray Kalfadhiga Baarlamaanka Jubbaland, iyadoo Xildhibaanada ay galeen fasax.

No comments:

Post a Comment