SAWIRRO: Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo xaqiijiyay in lagu kala kacay kulankii ay la yeesheen R/Wasaare Sharmaarke

Ka dib kulan maanta Magaalada Baledweyne ku dhex maray Odayaasha Golaha Dhaqanka Beesha Xawaadle iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa lagu kala kacay, markii la’isku khilaafay qodobadii miiska saarnaa. Ra’iisal Wasaaraha waxaa kulankan ku wehlinaayay xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada.
Garabka Ra’iisal Wasaaraha, ayaa madasha la yimid baaq ah in Odayaasha Beesha Xawaadle, ay ka qaybgalaan shirka lagu doonaayo in Maamulka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe lagu soo dhiso, isla-markaana ay gogoshiisu taalo Magaalada Baledweyne.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo kulanka ka hadlaayay, ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Somaliya, ay raaligelin ka bixinayso khaladaad uu sheegay in si farsamo ah, ay u dhaceen, isla-markaana ay Dowladdu jeclaan laheyd in beelaha degga Gobolka Hiiraan, ay si guud kaga wada qaybgalaan shirka.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo isna kulanka ka hadlaayay, ayaa waxaa uu ku baaqay in la qaato soo jeedinta Dowladda Dhexe Somaliya, lagana wada aaddo Magaalada Jowhar.
Odayaasha Beesha Xawaadle oo aan ku qancin soo jeedinta Dowladda Dhexe, ayaa waxay taasi bedelkeeda ay miiska la yimaadeen in gogosha loo soo wareejiyo Magaalada Baledweyne, halkaana ay isugu wada yimaadaan dhammaan beelaha degga labada gobol. Waxay kaloo ay ku baaqeen in la siiyo waqti ay ku qabsadaan shir dib u heshiisiineed oo beelaha reer Hiiraan loogu qabto Baledweyne, iyagoo ku andacoonaaya in Gobolku uu soo maray marxalad adag, oo beel beel la’isku laayay, dadkuna ay u baahan yihiin in gacmaha la isu saaro, si Maamul ay ku wada qanacsan yihiin ay u dhistaan.

Waxaa kaloo jiray qodob saddexaad oo Odayaasha Dhaqanka ay madasha la yimaadeen, oo ahaa in Gobolka Hiiraan uu yahay midka keliya aan laba gobol loo qaybin, isla-markaana uu ka mid ahaa sideedii ee Jamhuuriyaddii Somaliya ku curatay, sidaasi daraadeedna loo kala qaado laba gobol, inkastoo aanay Odayaashu qodobkaasi si wayn diiradda u saarin.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ayaa waxaa uu Ra’iisal Wasaare Sharmaarke uu ku eedeeyay inaanu taageerin soo jeedintoodii, isla-markaana uu u sheegay inuu qodobadaasi uu kula laaban doono Magaalada Muqdisho, si Madaxweynaha uu ula wadaago.
Ugaas Xasan oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxaa uu si rasmi ah uu u sheegay in fashil uu ku soo idlaaday kulankaasi, labada dhinacna ay ku kala dareereen.
Madaxtooyada Somaliya oo waqti ku luminayso Dhismaha Maamul U Samaynta Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan, ayaa waxaa dhanka kale dareemaysaa in Madaxtooyadu ay siyaasadeeda khalafsani ku kasban kari la’dahay beelaha degga Hiiraan.
Beesha Caalamka, ayaa horey ugu celcelisay in Dowladda Dhexe Somaliya laga doonaayo inay hirgeliso Maamulka labadaasi gobol, ka hor inta aan la gaarin bisha August, oo sida uu qorshuhu la doonaayo in doorasho guud ka qabsoomto Somaliya.


















No comments:

Post a Comment