Gaari kale oo qarax lagu xiray oo ciidamada Nabad Suggida ay qabteen

Iyadoo xalay saqdii dhexe ciidamada Nabad Suggida ay gacanta ku dhigeen gaari noociisa uu yahay Kaarib oo la doonaayay in lagu fuliyo Qaraxyo, ayaa saaka aroortii ciidamada Nabad Suggida waxa ay gacanta ku dhigeen gaari kale oo Qarax lagu soo xiray.


Gaarigaan oo noociisa uu yahay gaari raaxo ayaa waxa ciidamada Nabad Suggida ay ku qabteen Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, waxaana watay Muwaadin Somaliyed oo aanan war ka heyn in gaariga Qarax loogu xiray.
Waxaa watay gaarigaan Nin Oday ah oo u shaqeeya NGO lagu magacaabo HIJRA, iyadoo ciidanka Nabad Suggida ay ka dejiyeen ninkaasi Baabuurka, kadibna ay xireen goobtii Baabuurka ay ku qabteen.

Ciidamada Miino Baarista ee Booliska Somaliyed ayaa loo yeeray, kuwaasi oo gaariga ka furay Qaraxa, Qaraxan Baabuurka waxaa loogu xiray Bartamaha hoose ee Baabuurka, si qofna aysan uga badbaadin kolka la qarxiyo Baabuurkaasi.
Muwaadinka Somaliyed ee Gaarigiisa Qaraxa laga furay oo maleysan waayay in Baabuurkiisa Qaraxa loogu xiray ayaa u Mahad Celiyay ciidamada Nabad Suggida Somaliya oo badbaadiyay naftiisa, maadaama qaraxa lagu khaarijin lahaa isaga.
Taliyaha Nabad Suggida Somaliyed C/raxmaan Tuur yare ayaa tagay goobta Baabuurkaasi Qaraxa looga furay ee Isgoyska Sayidka, isaga oo ku ammaanay ciidamada feejignaanta ay ku jiraan iyo sida muwaadinkaasi Somaliyed ay u badbaadiyeen naftiisa.
Qaraxyada Baabuur ee ciidamada Nabad Suggida ay fashiliyeen ayaa ku soo aadaya, xilli hadal hayn badan oo dhanka ammaanka ah ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho oo waayahan jawigeeda uu ahaa mid Nabdoon.

No comments:

Post a Comment