Ciidamada Itoobiya oo Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Somaliya, ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Ciidan Itoobiyan ah ayaa la sheegay saaka inay ka ambabaxeen Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo u jiheystay dhanka Degmada Ceelbuur, sida ay sheegayaan wararka aan helayno.
Ciidamadan Itoobiyaanka ee Dhuusamareeb ka ambabaxay ayaa la sheegayaa in qorshahooda uu yahay inay gaaraan deegaanada Shabaabka ay ka joogaan Gobolka Galgaduud si halkaasi Shabaab looga saaro.




Sidoo kale ciidamo kale oo Itoobiyaan ah ayaa iyagana waxa
 ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen Degmada Ceelbuur ee isla
 Gobolka Galgaduud, waxaana wararka ay sheegayaan ciidamadan ka soo ambabaxay Dhuusamareeb iyo kuwa Ceelbuur dhaqdhaqaaqa ka wada in ujeedkooda uu yahay gaaritaanka deeganada Shabaabka ay joogaan.,
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay qorshaha inuu yahay ciidamada inay gaaraan deeganada Galhareeri iyo Ceeldheer oo Shabaab ay joogaan.
Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuled, ayaa sheegay shalay qorshaha Maamulka inuu yahay sidii Shabaab ay uga saari lahaayeen deeganada kala ah Xarardheere, Ceeldheer iyo Galhareeri iyo deegaano kale oo Shabaabka ay joogaan.
Al Shabaab ayaa marka la eego deeganada ay ka joogaan Gobolka Galgaduud waxa ay ku leeyihiin awood Millateri oo ku aadan inay iska difaaci karaan ciidankii soo weerara.

No comments:

Post a Comment